|
|
||||
![]() Ma salguuro caashaqee ani sibiq ma igu galay Intuu samada ila tageey saxar-qaadka fooraha dul sabee ma igu yidhi dhalanteed ma igu sabay soojeede maqanoon seexaneeyn ma iga dhigay Baydka LabbaadMa salguuro caashaqee ani sahal ma igu helay sambabadiyo feedhaha intuu surima kala baxay maku soofay xididada seediyo lafahiyo wadnihii ma sarayoo halistii ma sudhan yahay Baydka SaddexaadMa salguuro caashaquye ani sidiq ma ii dhigay Intuu soortii iga jaray suun adag ma igu xidhay ma isaaray heegada wax sanceeya mawloo saakay maygu wayn yahay suxuladaa ma ii dhigay |
nin haween jeclaaday hawl iyo dhibaatiyo waayi maayo hadimee anoo kuu hanweynweyn baad halbowlaha i go'ysoo warba iima haysidee hadal tiro ma fiicne adoon iga haraadin maxaa kulaa hagaagsan inaan kaa hadhaan imika taladeed hayaa hadaynaan heshiinayn wa inaynu kala hadhnaa kala hawl yaraysanaa Baydka labbaad hedu way baxaysaa ilayn haybsan maaye aan kaa horeeyee haddii kale aan hoydoo halkii loo badnaa iyo aakhiro u hayaamee hadal tiro ma fiicne adoon iga haraadin maxaa kulaa hagaagsan inaan kaa hadhaan imika taladeed hayaa hadaynaan heshiinayn wa inaynu kala hadhnaa kala hawl yaraysanaa |
|||
|
|
![]() Abdiaziz Mohamed Ali Dhiiga Adduunyada nin dhoofiyo Ninkii degan dhulkii hooyo Nin dhergiyo nin dhowr qaday Aan dheef hayn Dhedig iyo laboodba Hawli kama dhamaatee Qof walibaa wixii dhibay Dhafoorkay ku taalaa Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Anba kuguma dhaafeen Haday taadu dheelido eh Maxaa dhacay dhankaagay Ka jiiftaa dhaliishuye Ma dhiirado nimaan garab Wax lagula dhisaynine Nafta dhool hilaaciyo Dhibic baa u muuqdee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Jacaylkeediii dhuuxiyo Lafaha wuu u dhaadhacaye Dhulkoo doog dhir iyo ubax Dhamaan hadheeyeen Dhawristeeda oo qudha Ayaan dhawr ku qadayaa Wali dhaban mid kula mida Kama dhalanin adduunkee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Qore Dhiiga ----------- |
|||
![]() Liibaan Abdi Ali ,Farayare |
||||